Falanqaynta Buugga Harka nolosha. Q. 1aad

 "Shaqadii way dhammaatay, cadceeddiina way dhacday, buuqiina wuu yaraaday, qof waliba meel uu seexdo ayuu jafjaftay intii asxaab ah oo isku fiicanna isku gob qura ayey isugu tageen si ay ................."


Buugga: Harka nolosha.
Qoraaga: Cabdirisaaq Maxamed Cali.
Bogagga: 206 bog.

Dhiganahaan wata magacan cajiibka ah ee Harka nolasha waa dhigane aan runtii aad ula dhacay.
Xogaha, afkaaraha, xikmadaha,iyo culuumta aadka u cajiibka ah ee uu buuggu xambaarsanyahay waxaa dheer misna macne fog oo qoto-dheer u yeelaya buugga habka uu qoraagu doortay inuu u soo kala hormariyo arrimaha uu ka hadlayo. Fariimo aan dahsoonayn oo mug iyo miisaan weyn misna fahankoodu fududyahay ayuu qoraagu ku soo gudbiyey buuggan kooban.

Waxaan aad uga helay sida buuggu u samaysanyahay.
Qoraagu wuxuu buugga u dhigay si heer sare ah. Shaqsiga dhisiddiisa ayuu ku bilaabayaa, caruurta iyo qoyska ayuu ku xijisiinayaa, bulshada ayuu u sii gudbayaa ka dibna dhisidda dal, dad iyo dawlad diin, dhaqan iyo aqoon buuna ku dhisayaa. Buuggu inuu igu biiriyey afkaaro noloshayda shaqsi ahaan muhiim u ah oo igu dhiiriyey inaan leyliyo maskaxdayda, tijaabiyo awooddayda wax qabad ka sokoow wuxuu igu beeray rabitaan saa'ida oo aan u qaaday akhriska, si gaara waxuu igu dheliyey in isla markaan buuggaan dhammeeyoba inaan ku xijisiiyo buugga Helen Keler halyeyaddii indhoolaha iyo dhegoolaha ahayd. Markuu ka hadlayo awoodda qiyaasta(imagination) ayuu soo qaadanayaa qisada gabadhan.
Mar uu ka hadlayey awoodda kuurgalka iyo kobcinta maanka iyo inuu qofku iska ilaaliyo inuu noqdo la yeele ayuu ii soo gudbiyey fikrad aad u mug weyn. Kala fogaa goobaha waxbarashada waxaan u aadno iyo waxaa run ahaan lagu hayo!!. Akhris waqti qaatay ka dib ayaan go'aansaday inaan idin la wadaago nuxurka buugga. Tani waa qaybta koowaad ee gorfaynta buugga, waxaanan ku soo koobi doonaa nuxurka boqol iyo afartanka bog ee buugga ugu horeeya. Lixdin iyo lixda soo hartayna waa inoo usbuuca dambe insha Allah.

Qororaagu wuxuu ku bilaabayaa marxalad uu dalku aad u baaba' iyo burbursanaa oo aanay waxbarashadu sida maanta tahay ahayn. Wuxuu sawir kaa siinayaa siduu xaalku ahaa, gaar ahaan kii waxbarasho. Isagu xiligaa iskool buu dhiganayey oo ku yiilay degamada Boondheere . Ma ay heli Karin sideedda kaabe oo qofka waxbarashada u sahlo oo xiligaasi way adkayd in la isla helo: 1. goob wax lagu barto,2. Dad wax lala barto, 3. Macalin wax bara, 4. Manhaj xasilan, 5. Xasilooni Amni
6. Dhaqaale, ama waxbarasho bilaasha
7. Xogag dheeraada oo la akhrin karo,
8. Ku celcelin iyo joogtayn.

Cutubka koowaad qoraagu wuxuu kaga hadlayaa waxbarashada. Wuxuu ku barayaa farqiga ogaalka iyo aqoonta u dhexeeya. Isagoo ku weydiin doona kaagana jawaabi doona. Maxaa aqoona? Maxaa ogaal ah? Keen raadinaa? Sideed ku kala garani labadooda? Markuu su'aalahan kaaga jawaabo buu haddana kaala hadli doonnaa yoolka waxbarashada, kala duwanaanshaha waxa aan goobaha wax barashada u aadno iyo waxaa run ahaantii yaala. Isaga oo marka dambena ku siin doona dhambaal ka kooban shan qodab oo kala ah:
1. U aad goobaha waxbarashada inaad barato sida wax loo barto halkii aad u aadi lahayd inaad wax ka soo barato.
2. Baruhu waa in uu xoogga saaraa sidii uu u hubin lahaa in ardaygu fahmayo, halka uu xoogga saari maaddada uu gudbinayo.
3. In mar kasta la baraa ardaygu wax cusub intii uu qadada ku sugan lahaa.
4. Wax u baro si aad u hesho ogaal iyo fahan buuxa ee noolosha wacan halkii aad maqaam iyo lacag darteed wax u baran lahayd.
5. Eray aadan fahmin haka gudbin.

Intaas markaad isla fahanteen ayuu si kedisa kuu dhihi doonaa: "Wax walbo waad baran kartaa!!". Markaasuu bilawga noolasha, ikhtiraacii technology-yada, kimistiri, periodic table iyo caalam fikir iyo aqoon ku dhex dhigi doonaa. Intaasna afar iyo labaatan bog bay ku qaadan doontaa. Ugu dambaynna dulucda iyo u jeedka uu ka lahaa buu kuu soo koobi doonna wuxuuna ku dhihi wax walbo waad baran kartaa haddii aad fuliso qodabadan lixda ah:
1. Hubi inaad taqaan ujeeddada waxa aad baran rabto,
2. Wax u baro inaad wax barayso oo kale,
3. Diinta tix raac ka dhigo,
4. Aamin aqoon aan rabi ku barayn aqoon ma aha.
5. La imaaw doonis sare iyo daacadnimo,
6. Ha cabsan. Maxaa yeelay? Cabsidu gadaal ayey kaaga celisaa halkaad u socoto!

Intaa kagama baxayee cutbkaan wuxuu kaaga sheekaynayaa qayb yaroo aad u cajiiba oo noolashiisa kamida. Waxa uu cinwaan uga dhigay: "Socdaalkaygi koowaad--safarkii geerida!"
Qoraagu siduu sheegay dabaashu iskuma fiicnayn biyahana ma jeclayn oo cabsi buu ka qabay, qaybtaanna wuxuu kaga sheekaynayaa labo qiso oo isaga u sugnaatay. Midi waa mucjiso oo maalin bay isaga, walalkiisa ka weyn, iyo asxaabtiisa in kamida ah badda wada aadeen. Si gaara waxay tageen moolka caanka ah ee magaalada moqdisho ee loo yaqaano "mool vinto". Abdirisaaqna si fiican uma dabaalan karine jamal moolka ku heeraarsanaa buu iskaga dul fadhiistay, marbuu is yiri istaag kolkaasuu simbiriraxday oo moolkii ku dhacay iyadoo aysan jirin cid markaa u jeedday, isku day badan ayuu sameeyey se uma suurta galin inuu ka soo baxo oo marwalbo hoos ayuu u sii socday. Arrin mucjiso leh ayuu halkaan kula kulmay oo isagoo moolkii ku dhex jira baa waxaa hareereeyey layrar diilmo ah oo midab badan leh oo dhinac socday. Wuxuu si waaddix ah u arkayey dhammaan dhalintii moolka gudihiisa iyo banaankiisa ku sugnayd. Wuuna maqlayey hadaladooda iyo qosolkooda. Markaas baa ruux uusan arki karin si digniina ula hadlay oo ku yiri "Jalaaludiin u yeero". Jalaaludiin waa wiil ay isku dugsi qur'aan ahaayeen. "Jalaaludiin... Jalaaludiin walaalo kaalay i badbaadi" buu ku dhawaaqay Cabdirisaaq. Wuu maqlay jalaaluddiin yeedhintii Cabdirisaaq, waa uu u yimid wuuna badbaadiyey!
Hadde ogaaw Jalaaludiinka uu u naadinayo banaanka ayuu joogaa. Abdirisaaqna badda moolkeed. Markaasuu ninkii maqlayaa wuuuna badabaadinayaa!
Qisadaan waxay ka soo dhax gashay mar uu ka sheekaynayey socdaalkiisi dhanka Yemen mar uu tahriibayey. Waana tan safarkii geerida uu leeyahay. Qisadan aad bay iiga yaabisay. Intaad akhriyeyso waad ishilmaami. Waxaad garani inuu xag Alle uun ka noolyahay, oo haddiiba qof halis galay waa ka koow. 179 qof oo tahriibayaal ah ayuu ku safar noqday qoraagu. Badda ayaa la galayaa. Habeenna waa soo galay.
Doontii ayaa halaabaysa. Habeenkii dhanbaa lala rafanayaa marka dambe waa la cilad tiri. Maaddaama ay doontu biyaha dul sabaynaysay inta la cilad tiraayey oo dhan, jihadii ayaa ka lumaysa naaquudaha. Jid lama hayo, jadiinna haba sheegin. Muddo usbuuc ka badan ayey badda ku sii lunsanaanayaan. Dadka badankood wey waalanayaan badda ayeyna isku tuurayaan. Dad badan ayaa sidaasi ku dhimanaya. Qaar badanna inta si kale lagu celin waayo ayaa la xirxirayaa si aysan isu haligin. Waa la isnacayaa. Waa la rafaadayaa. Waa la gaajoonayaa. Waa la dhaxmoonayaa. Waa la kagayaa. Waa la waalanayaa. Waa la suuxayaa. Waa la dhimanayaa!. Ogaawna waa la qaaawanyahay. Haa waa la wada qaawanyahay. Lama oga xiliga dhar dad ugu dambaysay. Doonta biyaa soo galaya, in laga saarana waa daruuri oo marwalbo dadbaa taagan. Waxay sidaa ahaataba, ugu dambayn habeenkii siddeedaad ayaa barriga u soo muuqan. Xeebta markay sii tagaan baa qof walbo maaddaama la tabar beelay oo qof walbo inuu qof qabsado mooyaane si kale ku gudbi Karin baa halmar isagoo yaan lagaa tagin isleh soo degayaa. Hal dhinac bay doontii uga wada degayaan markaasay doontii gaddoomi. Intii la xirxiray halkaa bay ku dhimanayaan. Kuwana dhankii xeebta maahee dhanka badda ayey aadayaan ileen waa habeenne, wayna dhimanayaan. 75 rag ah iyo 2 dumar ah ayaa badbaadaysa. Qoraaguna inta badbaaday ayuu ka mid noqoni. Tabar uu badda kaga soo baxo ma haynine mid kamida shaqaalihii ayaa badbaadinaya. Sheekadu halkaan kuma eka oo dhulkii Yemen, qaxootinimadii, shaqadii xamaalnimada, asxaabtii uu bartay, dib u raadintii qoyskiisa iyo arrimo kale ayuu ka sii sheekayni. Hase ahaaatee qisadiisan waxaan ka baranaynaa sida uu yiri:
In garasho la'aanta nafta qiimaheeda ay horseeeddo baylah.
In caqabad kastaa looga gudbi karo dhexmarkeeda. In dhulku uusan isbeddeline qofku isbeddalo. In xalinta dhibaatada ka fogaanshaha aysan ahayn.

Qaybta xigta wuxuu kaga hadlayaa KOBCINTA MAANKA. wuxuu ku leeyahay caqli af-soomaliga wuxuu ku noqon weeleeye kaas oo lagu weeleeyo dhambaalada iyo fariimaha ka soo galo shantaada dareemo-wade. Iyadoo intii ku soo gashaba ay caqli kuu noqoto. "Mar kastaa oo fidradaadu ogolaato waxaa caqligaaga gala si farxad ah ayaad u noolaanee, haddiise uu caqligaaga kuu noqdo wax fidradaada ay diiddo dagaal keligaa ah ayaa kuu bilawdo kaas oo aad ku dhur beesho kana indha la'aato farxadda nolosha ".
Qaybtaan waxa kale uu kaga hadlayaa inuu shaqsigu is barto. Oo markii lagu weydiiyo yaad tahay? Haddii aad ku jawaabto" waxaan ahay dhakhtar, qoraa, tarjumaa, maamule, arday,akhroste iwm", waxaad noo sheegtay waxa aad qabato. Haddii aad tidhaahdo" waxaan ahay qof dulqaad badan, naxariis badan, sabar badan, Qaraabo jecel, iwm ", waxaad noo sheegtay in kamida dabeecadahaaga ee su'aashii ahayd: yaad tahay? Weli kama aadan jawaabin.
Qaybtaan waxaa kale oo uu kaga hadalyaa: awoodda kuurgalka, geerida, hurdada maacaan, isu gacan-qaadka/siigaysiga, ugu dambayna barbaarinta ubadka ayuu ku soo khatimayaa qaybtan.

Qaybta xigtana wuxuu gacanta kaa saari doonaa 30ka fure ee baraaraha nolosha. Waana qayb aad iyo u muhiima. Furaha koowaad wuxuu dhigay wax baro. Kan soddonaadna Raali ahoow(naftaada raali ka ahow, dadka raali ka ahow, Allena raali ka ahow). Halkaan ha inoo joogo.
Ku mahadsanid akhrinta qoraalkan. La socod wacan qaybta xigta.

Soo koobe: Suleiman Idow maxamed. 

Comments