Posts

Showing posts from April, 2021

JACAYL-MALLAAY(fish-love)

  ..---------------------------------------------- Hadda ka horbaa waxaa layiri: Ninbaa wuxuu soo agmaray wiil mallaay/kalluun la dubay si fiican u cunaya oo markaad aragto sida uusan meel kale uga jeedsanayn aad is dhahayso gaajo daranbaa haysa, illeen gaajadu waa cadowe. Ninkii baa wiilkii inta dul istaaagay buu markuu cabbaar fiiriyey arkayna in willku indho kale lahayn ku yiri " war haye adeer .. warkaaga? kollay mallaayga cashar baad u dhigaysaa waa kuu jeedaaye...Bal warran?". Wiilkii baa inta madaxa soo toosiyey odaygii ugu jawaabay "adeer mallaayga aadbaan runtii u jeclahay.. marka aan....." Odaygiiba hadalka ka kala gooyey oo ku yiri " iyaa...maxaad tiri?...mallaaygu waan jeclahay aa... aad baan u jecelahay aaa?". Suu yiri "haa adeer dhabtii aad baan u jecelahay kaluunka". "Sug adeer " buu yiri odaygii, hadalkiisuu sii watay oo wuxuu yiri " waa adigaan mallaayga biyihii uu ku dhex noolaa ka soo saaray koow, waad dishay lab...

Qaddarta Alle

Image
  Buuggan waxa uu ka hadlayaa Qaddarta Alle  (Al-Qaddaa Wal-Qaddar) oo ka mid ah lixda tiir ee Iimaanka oo ay waajibka tahay in aan rumayno la’aantoodana aanan iimaan sheegan karayn mu’miniinna noqonayn. Al-Qaddaa iyo Al-Qaddar, haddii si wada jir ah loo macneeyo labaduba waxay ka dhigan yihiin amar hore-u-go’aamin oo ficil ama dhacdo ah. Markii si gooni gooni ah loo kala qaadana, Al -Qaddar waxaa loola jeedaa amar-horay u go’aamin oo ah xukmin ficil ama dhacdo kahor intaysan dhicin. Al-Qaddaana waxaa loola jeedaa falka ama dhacdada ka dib marka ay dhacdo. Haddii ficilladeennu horay loo go’aamiyey, meeye doorashada xorta ah ee nala siiyey? Miyeeysan aadmiga u sugnaanin wax doorasho ah? Inkasta oo ay dhammaan mu’miniintu rumaysanyihiin qaddarta Alle haddana, waxaa aad u kala durugsanoo aad u kala duwan fahamka iyo aragtida ay firqooyinka Muslimiinta ahi ka kala fahmeen iyo dabcan sharraxaadaha qaddarta oo qoloba dhan ula kacday si gaarana u dhigatay; taas oo sababtay in mawduuc...