Posts

Showing posts from March, 2021

Gorfaynta buugga Harka nolosha q 2aad

 “waxaa qof soomaali ah u roon ayaa soomaali u roon” Qaybtii hore ee buugga qoraagu wuxuu si xooggan ugaga hadlay dhisidda shaqsiga, isagoo ku bilaabay wax barashada, fahan guud naga siiyey noolasha, baraaraha noolasha iyo arrimo kale sida hurdada macaan iyo faa’iidadeeda, geerida, awoodda kuurgalka iyo waxyaalo kale. Qaybtaanna kama marna oo wuu kaga hadlayaa arrimo hormarka shaqsiga, kobcinta garaadka , wacyiga, ogaalka iyo aqoonta shaqsiga la xiriira wiliba si ka daran sidii hore balse markaan wuxuu sidoo kale xoogga saari doonaa bulshada. Si gaara qaybtaan wuxuu kaga hadlayaa ilbaxnimada nabiilka ah. Ilbaxnimadaan waxa uu ka soo dhamabashay dhaqanka soomaalida. Siduu qoraagu yiri waa ilbaxnimo soomaali leedahay ee ma ahan mid lasoo dhoofiyey. Wayna ka duwantahay tan ay dugsiyada aaraada ee hab noolaleedka (school of thoughts)sanduleeyeen; taa dadka oo dhan uma cuntanto. Ilbaxnimada nabiilka ah se waxaa lagu saleeyey noolasha soomaaliga iyo dhacdooyinka maalinlaha ee uu qofka ...

Falanqaynta Buugga Harka nolosha. Q. 1aad

 "Shaqadii way dhammaatay, cadceeddiina way dhacday, buuqiina wuu yaraaday, qof waliba meel uu seexdo ayuu jafjaftay intii asxaab ah oo isku fiicanna isku gob qura ayey isugu tageen si ay ................." Buugga: Harka nolosha. Qoraaga: Cabdirisaaq Maxamed Cali. Bogagga: 206 bog. Dhiganahaan wata magacan cajiibka ah ee Harka nolasha waa dhigane aan runtii aad ula dhacay. Xogaha, afkaaraha, xikmadaha,iyo culuumta aadka u cajiibka ah ee uu buuggu xambaarsanyahay waxaa dheer misna macne fog oo qoto-dheer u yeelaya buugga habka uu qoraagu doortay inuu u soo kala hormariyo arrimaha uu ka hadlayo. Fariimo aan dahsoonayn oo mug iyo miisaan weyn misna fahankoodu fududyahay ayuu qoraagu ku soo gudbiyey buuggan kooban. Waxaan aad uga helay sida buuggu u samaysanyahay. Qoraagu wuxuu buugga u dhigay si heer sare ah. Shaqsiga dhisiddiisa ayuu ku bilaabayaa, caruurta iyo qoyska ayuu ku xijisiinayaa, bulshada ayuu u sii gudbayaa ka dibna dhisidda dal, dad iyo dawlad diin, dhaqan...