Gorfaynta buugga Harka nolosha q 2aad
“waxaa qof soomaali ah u roon ayaa soomaali u roon”
Qaybtii hore ee buugga qoraagu wuxuu si xooggan ugaga hadlay dhisidda shaqsiga, isagoo ku bilaabay wax barashada, fahan guud naga siiyey noolasha, baraaraha noolasha iyo arrimo kale sida hurdada macaan iyo faa’iidadeeda, geerida, awoodda kuurgalka iyo waxyaalo kale. Qaybtaanna kama marna oo wuu kaga hadlayaa arrimo hormarka shaqsiga, kobcinta garaadka , wacyiga, ogaalka iyo aqoonta shaqsiga la xiriira wiliba si ka daran sidii hore balse markaan wuxuu sidoo kale xoogga saari doonaa bulshada.Si gaara qaybtaan wuxuu kaga hadlayaa ilbaxnimada nabiilka ah. Ilbaxnimadaan waxa uu ka soo dhamabashay dhaqanka soomaalida. Siduu qoraagu yiri waa ilbaxnimo soomaali leedahay ee ma ahan mid lasoo dhoofiyey. Wayna ka duwantahay tan ay dugsiyada aaraada ee hab noolaleedka (school of thoughts)sanduleeyeen; taa dadka oo dhan uma cuntanto. Ilbaxnimada nabiilka ah se waxaa lagu saleeyey noolasha soomaaliga iyo dhacdooyinka maalinlaha ee uu qofka soomaaliga la noolyahay waxaana laga keenay aaraada la yidhaa “sida soomaalida”.
Qoraagu wuxuu qaybtaan oo buugga u dambaysa kaga hadlay seddax qodab oo kala ah:
I. HALBEEGGA HANKA AFARTA HAN
II. HALBEEGGA MIDAYNTA CUDUDDA GUUSHA, IYO
III. HALBEEGGA KAABAYAASHA HORMARKA.
Haddaba si kooban aan uga hadalno seddaxdaan qaybood:
I. Halbeegga hanka afarta han waxay kala yihiin:
1. Hanka joogitaanka
2. Hanka badqabka
3. Hanka dhamaystiranka
4. Hanka waaridda
Oo qof waliba wuxuu doonayaa inuu waligii joogo, caafimaad haysto oo ka badbaado aafo dabiici ah ama mid dad samee ah, dhamaystirnaado dhan waliba, waaro oo wax lagu xasuusto ka haraan. Qoraagu wuxuu leeyahay “qofku si afartan han ay isugu dheeli tirnaadaan waa inuu fahmaa miisaan labadiisa kafood kala yihiin: KU TALAX-TAG iyo KA-DHAC.” Ku talax-taggu waa cagsiga ka-dhac oo la micno ah in qofku ka haro wanaagga heerka ugu hooseeya ee karaankiisa ah ama uu falaagoobo. “Baraaraha noolashana waxaa laga helaa inta u dhaxaysa KU TALAX-TAG iyo KA-DHAC.”
II. HALBEEGGA MIDAYNTA CUDUDDA GUUSHA
Si looga guul gaaro qorshe kasta mid weyn iyo mid yarba waxaan u baahannahay inaa midayno si buuxdana u adeegsano cududdeena: 1.waaya aragnimo, 2. Mid aqoonneed, 3. Ta hanti, 4. Cudud maamul, iyo 5. Midda halyey. Intaan oo aan mideeynaa(ka bulsho ahaan) baa waxa ay keeni kartaa in la waayo muqaabil iskeen hortaagi kara. Waayo-arag waxtar leh ma aha,siduu qoraagu yiri, qof ka dhaayo la’aa waayihii uu u soo joogay, oo sidii qof ambad ah u socday. Waayo? Qofka ambadka ah wuxuumbuu ka fikiraa inuu helo halka uu ka soo dhumay mana awoodo inuu ka war bixiyo waayaha uu u soo joogay, ka hadda la joogo iyo ka soo socdaba. “Qofka waaya aragga saamayn ayuu leeyahay uu ku samata bixin karo ummad dhan!”. Aqoonyahanka ku hubaysan aqoon saxanna wax ayuu saxi karaa. Cududda hantidana waxay saamayn badan oo wanaagsan leedahay marka dhanka wanaagga loola kaco. Taana waxaa kaaga filan tusaale uu qoraagu ka sheekeeyey. Beri baa labo qabiil oo soomaali ah waxay isku dagaaleen ceel. Mid kamida labadii ayaa waxay u habar wacdeen intoodii dibadda kaga maqanayd si ay cudud dhaqaale ugaga qayb qaataan dagaalka. Markay lacagtii u aruurtay bay kulmeen si ay uga tashtaan qaabka lacagtaan hub iyo saanad ku filan ugu soo iibsan lahaayeen. Oday waxgarada baa inta dadkii ka dhax istaagay waydiiyey horta waxaan isku haysano anaga iyo qoladaan walaalaha nahay maxay yihiin? Waxaa loogu jawaabay hal ceel baanu kula dagaalsanahay. Haddana wuxuu waydiiyey lacagta aan haysano hal ceel manoo gaaree. Kolkaasaa lagu yiri adeer lacagta 10 ceel bay qoddaa. Markaasuu yiri haddaba 5 aynu qodano, 5 ta kalena aynu ayaga u qodno. Tiibaa la sameeyey, waa taa colkii baaqday nabad iyo uursamina la hel. “Cududda hantida waxay saamayn badan oo wanaagsan leedahay marka dhanka wanaagga loola kaco.” Cududda maamul, tan halyeynimo iyo 3da aan sharaxnay oon midayno si buuxdana u adeegsano ayaan ku guulaysan karnaa.
Qoraagu wuxuu ka sheekeeyey qof ay ku dhacday seddax masiibo. Waa qof ay dad la’aan, diin la’aan , iyo xoolo la’aan ku dhacday. Waxaa loo sheegayaa inuu aado tuulo si uu wadaad meeshaasi ku nool ula kulmo. Sidii ayuu yeelayaa hase yeeshee inta uu wadada ku jiray ayuu la kulmay seddax reer oo imtixaano kala duwani haystaan. Reerka koowaad waxuu ka dul dhacay ayagoo dhulka qodaya. Markuu weydiiyey sababtana waxa ay ku dhaheen nin reerka kamida ayaa marwalba dhulku la go’aya. Kii labaadna wuxuu la kulmay ayagoo nin kamida daash ugu dhisay waddada. Markuu waydiiyeyna waaxay u sheegeen in ninkan dhulku ku dhegayo. Reerkii seddaxaadna wuxuu u tagay ayagoo dab tuulada ka kacay daminaya, waxayna u sheegeen in musiibadan bishiiba halmar ku dhacdo. Dhammaantood way ka waraysanayeen ninkaan xaalkiisa, meesha uu ka socdo, meesha uu u socdo iyo danta uu u socdo. Marka uu u sheegana waxay ku dhahaayeen: “wadaadka markaad u tagto annagana mushkiladdan xalkeeda noo soo warso”.
Ninkii wadaadkii ayuu u imaanayaa isaga oo xal raadis ah oo xal u raadinaya 3dii dhib ee isaga ku dhacday iyo seddaxdaan kale ee loo soo dhiibtay. Ha yeeshee wadaadkii wuxuu dhahayaa "anigu 3 mas’alo ka badan la ima waydiiyo ee waxaad yeeshaa seddaxda kugu daran i waydii!" Ninkii talaa ku caddaatay oo haddii seddaxdiisa uu doorto amaanadii ayuu dayacayaa. Haddii kalena kuwiisaa dayacan. Ugu dambaynna inuu amaanada guto ayuu go’aansanayaa wadaadkii ayuu ku dhahayaa “ii sheeg xalka dhibaatooyinka reerahaas haysta” tiisana wuu ka tanaasulayaa. Wadaadka wuxuu dhihi:
Tuulada dabku qabsanayo suldaankeeda ayaa wuxuu dhalay gabdho qaan gaaray, kolkii laga soo doontana ma bixiyee, gabdhaha nin haku daro. Ninka dhulku la go’ayo sanaadiiq dahaba baa ilaahay dhulka hoostiisa ugu diyaariyey e hasii galo dhulka oo yaan laga soo saarin suu ula soo baxo. Kan dhulka ku dhegayana diintuu bartay dadna ma baree waxaad ku tiraa diinta ilaahay ku baray dadka bar wadaadow.
Sidii ayuu yeelayaa. Suldaankii gabdhaha dhalay wuxuu ninkan xalka u keenay ku abaal mariyey oo uu u guuriyey gabdhihiisa tii ugu qurxoonayd. Ninkii dhulka la go’ayeyna sanaadiiq dahab iyo filla buu lasoo baxaye, sanduuq dahaba ayuu ku maamuusayaa ninkan xalka u keenay. Kii dhulka ku dhegayeyna wuxuu dhihi "war ninyahow fariiso gudashada waajibkayga adaan kaa bilaabi e."Sow saddaxdiisa mushkiladood xal uma helin? Qofkii dar Alle dadka wax tara isna ilaah baa ku filan oo arrimihiisa idilkood u sahla.
III. HALBEEGGA KAABAYAASHA HORMARKA.
Halbeegga kaabayaasha hormarkeena waa 7, waxayna kala yihiin:
1. Dhulkeena
2. Anshaxeena
3. Xeerarkeena
4. Garashadeena
5. Madax banaanideena
6. Madasheena
7. Yoolkeena
7daan qodab fahankooda iyo gunaanadka buuggaba waxay ka dhiganyihiin fahanka qayb wayn oo aad u wayn oo buugga kamida. In uun haddaan inta uu qoraagu ka sheegay wax ka soo qaadan lahaana waxaan ka cabsaday in qoraalku ila dheeraado..... ee waxaan idin leeyahay: Buugga Harka Nolosha noolal baa ku jirtee halaga war doono. Hollywood, Bollywood, Nollywood iyo afkaaro cadiima baad ugu tagi doontaane. Mahadsanidiin.
Comments
Post a Comment