Posts

JACAYL-MALLAAY(fish-love)

  ..---------------------------------------------- Hadda ka horbaa waxaa layiri: Ninbaa wuxuu soo agmaray wiil mallaay/kalluun la dubay si fiican u cunaya oo markaad aragto sida uusan meel kale uga jeedsanayn aad is dhahayso gaajo daranbaa haysa, illeen gaajadu waa cadowe. Ninkii baa wiilkii inta dul istaaagay buu markuu cabbaar fiiriyey arkayna in willku indho kale lahayn ku yiri " war haye adeer .. warkaaga? kollay mallaayga cashar baad u dhigaysaa waa kuu jeedaaye...Bal warran?". Wiilkii baa inta madaxa soo toosiyey odaygii ugu jawaabay "adeer mallaayga aadbaan runtii u jeclahay.. marka aan....." Odaygiiba hadalka ka kala gooyey oo ku yiri " iyaa...maxaad tiri?...mallaaygu waan jeclahay aa... aad baan u jecelahay aaa?". Suu yiri "haa adeer dhabtii aad baan u jecelahay kaluunka". "Sug adeer " buu yiri odaygii, hadalkiisuu sii watay oo wuxuu yiri " waa adigaan mallaayga biyihii uu ku dhex noolaa ka soo saaray koow, waad dishay lab...

Qaddarta Alle

Image
  Buuggan waxa uu ka hadlayaa Qaddarta Alle  (Al-Qaddaa Wal-Qaddar) oo ka mid ah lixda tiir ee Iimaanka oo ay waajibka tahay in aan rumayno la’aantoodana aanan iimaan sheegan karayn mu’miniinna noqonayn. Al-Qaddaa iyo Al-Qaddar, haddii si wada jir ah loo macneeyo labaduba waxay ka dhigan yihiin amar hore-u-go’aamin oo ficil ama dhacdo ah. Markii si gooni gooni ah loo kala qaadana, Al -Qaddar waxaa loola jeedaa amar-horay u go’aamin oo ah xukmin ficil ama dhacdo kahor intaysan dhicin. Al-Qaddaana waxaa loola jeedaa falka ama dhacdada ka dib marka ay dhacdo. Haddii ficilladeennu horay loo go’aamiyey, meeye doorashada xorta ah ee nala siiyey? Miyeeysan aadmiga u sugnaanin wax doorasho ah? Inkasta oo ay dhammaan mu’miniintu rumaysanyihiin qaddarta Alle haddana, waxaa aad u kala durugsanoo aad u kala duwan fahamka iyo aragtida ay firqooyinka Muslimiinta ahi ka kala fahmeen iyo dabcan sharraxaadaha qaddarta oo qoloba dhan ula kacday si gaarana u dhigatay; taas oo sababtay in mawduuc...

Gorfaynta buugga Harka nolosha q 2aad

 “waxaa qof soomaali ah u roon ayaa soomaali u roon” Qaybtii hore ee buugga qoraagu wuxuu si xooggan ugaga hadlay dhisidda shaqsiga, isagoo ku bilaabay wax barashada, fahan guud naga siiyey noolasha, baraaraha noolasha iyo arrimo kale sida hurdada macaan iyo faa’iidadeeda, geerida, awoodda kuurgalka iyo waxyaalo kale. Qaybtaanna kama marna oo wuu kaga hadlayaa arrimo hormarka shaqsiga, kobcinta garaadka , wacyiga, ogaalka iyo aqoonta shaqsiga la xiriira wiliba si ka daran sidii hore balse markaan wuxuu sidoo kale xoogga saari doonaa bulshada. Si gaara qaybtaan wuxuu kaga hadlayaa ilbaxnimada nabiilka ah. Ilbaxnimadaan waxa uu ka soo dhamabashay dhaqanka soomaalida. Siduu qoraagu yiri waa ilbaxnimo soomaali leedahay ee ma ahan mid lasoo dhoofiyey. Wayna ka duwantahay tan ay dugsiyada aaraada ee hab noolaleedka (school of thoughts)sanduleeyeen; taa dadka oo dhan uma cuntanto. Ilbaxnimada nabiilka ah se waxaa lagu saleeyey noolasha soomaaliga iyo dhacdooyinka maalinlaha ee uu qofka ...

Falanqaynta Buugga Harka nolosha. Q. 1aad

 "Shaqadii way dhammaatay, cadceeddiina way dhacday, buuqiina wuu yaraaday, qof waliba meel uu seexdo ayuu jafjaftay intii asxaab ah oo isku fiicanna isku gob qura ayey isugu tageen si ay ................." Buugga: Harka nolosha. Qoraaga: Cabdirisaaq Maxamed Cali. Bogagga: 206 bog. Dhiganahaan wata magacan cajiibka ah ee Harka nolasha waa dhigane aan runtii aad ula dhacay. Xogaha, afkaaraha, xikmadaha,iyo culuumta aadka u cajiibka ah ee uu buuggu xambaarsanyahay waxaa dheer misna macne fog oo qoto-dheer u yeelaya buugga habka uu qoraagu doortay inuu u soo kala hormariyo arrimaha uu ka hadlayo. Fariimo aan dahsoonayn oo mug iyo miisaan weyn misna fahankoodu fududyahay ayuu qoraagu ku soo gudbiyey buuggan kooban. Waxaan aad uga helay sida buuggu u samaysanyahay. Qoraagu wuxuu buugga u dhigay si heer sare ah. Shaqsiga dhisiddiisa ayuu ku bilaabayaa, caruurta iyo qoyska ayuu ku xijisiinayaa, bulshada ayuu u sii gudbayaa ka dibna dhisidda dal, dad iyo dawlad diin, dhaqan...