JACAYL-MALLAAY(fish-love)
..---------------------------------------------- Hadda ka horbaa waxaa layiri: Ninbaa wuxuu soo agmaray wiil mallaay/kalluun la dubay si fiican u cunaya oo markaad aragto sida uusan meel kale uga jeedsanayn aad is dhahayso gaajo daranbaa haysa, illeen gaajadu waa cadowe. Ninkii baa wiilkii inta dul istaaagay buu markuu cabbaar fiiriyey arkayna in willku indho kale lahayn ku yiri " war haye adeer .. warkaaga? kollay mallaayga cashar baad u dhigaysaa waa kuu jeedaaye...Bal warran?". Wiilkii baa inta madaxa soo toosiyey odaygii ugu jawaabay "adeer mallaayga aadbaan runtii u jeclahay.. marka aan....." Odaygiiba hadalka ka kala gooyey oo ku yiri " iyaa...maxaad tiri?...mallaaygu waan jeclahay aa... aad baan u jecelahay aaa?". Suu yiri "haa adeer dhabtii aad baan u jecelahay kaluunka". "Sug adeer " buu yiri odaygii, hadalkiisuu sii watay oo wuxuu yiri " waa adigaan mallaayga biyihii uu ku dhex noolaa ka soo saaray koow, waad dishay lab...