Qaddarta Alle

 Buuggan waxa uu ka hadlayaa Qaddarta Alle  (Al-Qaddaa Wal-Qaddar) oo ka mid ah lixda tiir ee Iimaanka oo ay waajibka tahay in aan rumayno la’aantoodana aanan iimaan sheegan karayn mu’miniinna noqonayn. Al-Qaddaa iyo Al-Qaddar, haddii si wada jir ah loo macneeyo labaduba waxay ka dhigan yihiin amar hore-u-go’aamin oo ficil ama dhacdo ah. Markii si gooni gooni ah loo kala qaadana, Al -Qaddar waxaa loola jeedaa amar-horay u go’aamin oo ah xukmin ficil ama dhacdo kahor intaysan dhicin. Al-Qaddaana waxaa loola jeedaa falka ama dhacdada ka dib marka ay dhacdo. Haddii ficilladeennu horay loo go’aamiyey, meeye doorashada xorta ah ee nala siiyey? Miyeeysan aadmiga u sugnaanin wax doorasho ah? Inkasta oo ay dhammaan mu’miniintu rumaysanyihiin qaddarta Alle haddana, waxaa aad u kala durugsanoo aad u kala duwan fahamka iyo aragtida ay firqooyinka Muslimiinta ahi ka kala fahmeen iyo dabcan sharraxaadaha qaddarta oo qoloba dhan ula kacday si gaarana u dhigatay; taas oo sababtay in mawduucan Qaddaha iyo Qaddarta uu noqdo mid aad u xasaasi ah oo in badan oo Muslimiina ay ku wareersan yihiin inkale oo badana si aan sax ahayn u fahmaan; ilaa iyo haddana dad badan oo mu’miniin ah oo rumaysan qaddarta Alle ayaa weli la’ dhan ay iska taagaan arriintaan,halka ay Muslimiin badan ka gaabsadeen ayaga oo ka baqaya in ay Iimaankooda wax yeeleyso, malahaygana waxaa sababay seddex arrimood oo is biirsaday:

Waa tan koowaade, Muslimiintii oo maanta badidooba ka arradan oo dayacay Diintii iyo barashadeeda, raadinteeda iyo ku dhaqankeedaba; yacnii, muslimiinteena maanta caamo ayaan u badannahay oo in aan wax taxliilino oo addilada Qur’aanka iyo axaadista isu fiirino oo iswaafajino waxna kala soo baxno iskaba daaye kutubada aas-aasiyaadka ah ee ku tacaluqa cibaadaadka iyo acmaasha Ilaahay ina faray ee aan maalin walbo qabanno (sida salaadda) oo ay culimadeena Islaamka kutubo gaagaabanoo fudfudud inooga soo qoreen xataa ma akhrino oo ma barano waqtina ma siinno, inaga oo waliba og in barashada cilmigu uu waajib ku yahay qof kasta oo muslim ah (lab iyo dhedig), camal bilaa cilmi ahna aan waxba laga fa’iidaynin; sida ay culimadeena Islaamka sheegeenna, cibaado aadan cilmi u lahayn qabashadeeda waxba kuuma tarayso. Aan ku waydiiyo e, Sideebaa salaaddeena loo aqbalayaa innaga oo aanan aqoon axkaamteeda, iskana ilaalinin oo ka taxadarin waxa burinayo salaaddeena? Ka warran haddii aan rakacada koowaadba seddex jeer wax ka badan dhaqdhaqaaq aanan kan salaadda ahayn samayno, sow salaadddeeni jabi mayso? Maxay noo taraysaa marka in aan sii wadno salaadda wayba burtaye? Oo miyaa la aqbalayaa salaad aan ansax ahayn oo marhoreba jabtay? Marka maxaan ka faa’iidnay? Sow markaa gar ma ahan in aan baranno kuna camal falno Diinteena suubban oo aan cidna marti kaga noqon? Ma ahan salaadda oo kaliya waxaan u baahannahay in aan cilmi u lahaano ee waa dhammaan acmaasha la inooga baahanyahay. Hawl adduun oo muhiima markaan damacno in aan qabano, maxaan samaynaa ii sheeg? Dabcan waxa aan raadinaa xogo ku saabsan shaqada waxa ay tahay, aqoonta iyo xirfadda ay inooga baahantahay kuwooda lagama maarmaanka ah iyo kuwooda muhiimka ahba si aan u qabano shaqadaas. Aan ku waydiiyo e waa tan innagii sidaa uga taxaddarnay shaqadan adduune , tii la inoo abuuray maxaan sidaas u samayn la’nahay? Mee hawshii Eebbe inoo abuuray? Sow insiga iyo Jiniga looma abuurin samaynta wuxuu Eebbe faray iyo ka tagista waxa uu ka reebay? Waa cibaaro adduune bal kawarran adiga oo Muslim ah hadduu gaalka adduun iyo Aakhiro nacladan kaaga aqoon bato Diintaada, si uu kaaga fidneeyo? Sow ceeb aan ceebi ka weyneeny kuma ahan guud ahan Muslimiint gaar ahaan adiga? Sow gar uma lihid in aadan Diintaada marti ka noqon, oo ugu yaraan aasaasiyaadka Diiinta aad barato, kuna camal fasho? Adiga ayaan kaaga tagay ka warcelinta waydiimahan iyo boqolaalka kale ee la halmaala.
Arrinka labaad ee aan aaminsanahay in uu asbaabaha ka mid yahayna waa saamaynta falsafadda iyo aragtida reer Galbeedka inagu yeelatay. Tani iigama baahno in aan faahfaahinteeda ku talaxtago oo waa laga wada dheragsanyahay waxa ay tahay iyo raadka ay ku yeelatay guud ahaanba dunida Muslimka ah, ka dib markii aan manhajkooda qayb ka noqonay kaas oo falsafado iyo afkaaro badan oo ay iyagu leeyihiin xambaarsan. Manhajkaas oo haddii inaga oo aan su’aal gelinin, ka taxadarin iskuna diyaarinin aan dhex dabaalano ay wax badan inooga halaabayaan oo uu ugu horreeyo iimaankeena kaas oo ay dagaal culus kula jiraan. Manhajkooda oo dhanbaa u baahan in maskax shaqaynaysa lagu waajaho oo wixii wanaagsan laga qaato inta lagu soo dhex qariyayna ilgaara la iskaga ilaaliyo haba ugu horreeyaan falsadaha la xiriira hab noolaledka qofka, sida cilmu-nafsiga kaas oo ay ku soo gudbiyaan waxyaalo badan oo iimaanka qofka mu’minka ah dhaawici kara. Falfsafadda iyo aragtida reer Galbeedka waxa ay raad taban iyo mid toganba ku yeelatay dhaqankeena, fikirkeena iyo habka aynu u noolaanayno. Waxaanse dhihi karaa mida taban baa ka mug iyo miisaan wayn mida togan ee ay inagu yeesheen, waayo? Waxaa ugu qiimaha badan ee aan haysano waa Iimaanka, falsafooyinkooda inta badanna iimaankeeni bay si toos iyo si dadbanba degaal ugula jiraan. Mawduuca qaddartana lagaagama sheekaynayo halka ay iska taageen, waxa ay ka aaminsanyihiin iyo waxa ay doonayaan in aad adiguna ka aamintid Muslim ahaan. Waxba hadalka yaanan kugu badinin oon kuugu soo celcelinin waxa aad hore u maqashay, aragtay ood garatay e waxaan ku leeyahay “ Furun daggaal baad joogtaa oo qofbaad shiishka u saarantahay, go’aankiisu yahay in uu nolasha kugu qabto oo ku addoonsado e, marka hore oggaaw in aad daggaal ku jirtid aqbalna; marka labaadna, diyaarso hub inta aad haysato intii aad heli kartidna sii raadi, hana cabsan oo iimaankaaga ku kalsoonoow maankana ku haay in hubka ugu weyn ee aad yeelan karto ay tahay adiga oo kalsooni buuxda ku qaba Iimaankaada, rumeeya si buuxdana u tala saarta Eebbaha weyn ee koonka abuuray waxa ku dhex jirana maamula, oggoow in aad nasiib u yeelatay aaminsanaanta Diinta adduunka ugu wanaagsan —Alle ku kalsoonoow taladana u dhiibbo, Insha Allah guushu waa dhankaaga e”.
Aan u gudbo qodabka seddexaad oo aan malaynayo in uu qayb aad u wayn ka yahay fahamka qaldan ee laga fahmay qaddarta. Qodabkaas waa ayadoo ay muslimiintii firqooyiin kala noqdeen ku kala tageenna seddex feker oo waawayn. Seddex firqo oo seddex aragtiyo oo kala duwan ka aaminsan qaddarta bay kala noqdeen muslimiintii mid walibana saamaynteeda bay yeelatay oo dadbaa aaminsan. Haddii aan si kooban uga hadlo seddexdaas feker iyo faham ee lagu kala tagayna waa sidan:
Firqada koowaad: waxa ay aaminsanyihiin qoladaan in addoonku uu qasbanyahay oo aanu wax doorasho ah haba yeraatee lahayn. Aniga oo aan hadalka kugu sii badinin jumladdaan ayaa koobaysa warkooda: “ Addoonku waa uu qasbanyahay, waxbana ma dooran karo”. Tusaale, waxay aaminsanyihiin hadduu qofku diinta qaato in aysan ahayn wax isagu uu doortay oo uu si iskiisa ah isaga oo ku qanacsan u doortay ee waxay leeyihiin waa amar Alle oo addoonku waa uu ku qasbanyahay; si lamida sidaas, midka gaalka ahna gaalnimada waa uu ku qasbanyahay in uu gaal ahaado oo aanu diinta qaadan. Yacnii, wax doorasho ahba ma lahan dadku gebi ahaanba.”

Firqada labaadna waxay aaminsanyihiin in aanu jirin wax hore loo qoray. Ayagana warkooda weertaan baa koobaysa: “ Ma jiraan wax hore loo qoray gebi ahaanba”: tusaale, haddii aad go’aansato in aad akhriso oo aad dhammayso qoraalkan inta kaaga harsan markaas ayaa la qorayaa, haddaad iska dhaaftidna waxba lama qorayo wax hore u qornaa oo la tirtirayana ma jiraan; yacnii, isla marka uu qofku sameeyo ayuunbaa la qoraa intaas ka hor in uu samaynayo iyo in aanu samaynayn midna ma qorna. Waxay sidaan ku inkireen qaddarta Alle qornaansheheeda waxayna aragtidoodan adduunka Islaamka ku dhaxalsiisay magaca qaddariyah. Maadaama ay qaddarta inkireen “ Al-qaddarriyah” baa u baxday.

Firqada seddexaad ee ugu dambaysana waxa ay aragtidooda dhigaysaa sida tan: “ Alle (SW) waa wax walbo oge, wuxuuna ogaa addoonkiisa isla marka uu abuurayba  waxaa uu samayn doono oo idil intaas buuna u qoray oo abaal marintoodana usii diyaariyay. Addoonku waxaa uu samayntooda doorto ayuumbaa lagula xisaabtamaa Eebbe wuu ogaa waxaa ay samayn doonaan addoomadiisa “LOOXUl Al-MAXFUUD” buuna ku qoray camalka ay samayn doonaan, cawaaqibkiisa iyo waxa guud ahaan dhici doonaba. ” Kani waa fekerka iyo caqiidada Ahlu-sunna wal-jamaaca waana kan saxda ah ee maangalka ah. Buugganna kan ayuu si qoto dheer oo faahfaahsan, cilmiyaysan oo caqliyaysan uga hadlayaa.

Laakiin inta aadan buugga raadintiisa usii galin ii ogalaaw in aan kula wadaago sheekadaydan yer ee kooban. Muddo hadda qiyaastii laga joogo labo sano ayaan waxa aan xaadiri jiray dersi laga akhrin jiray masjid la yiraahdo Al-raxma oo ku yaalo xaafadda aan ka degganahay degmada Deyniile ee Raadeer. Habeen habeenada ka mid ah ayaa Shiikhii oo ahaa nin dhallinyara ah oo aad u firfircoon si fiican uga hadlay mawduucan qaddarta. Seddexda qaybood ee aan kor kusoo xusnay ayuu si faahfaahsan uga kala dhidhigay. Wuu sharraxay oo wuu bidhaamiyay, labada hore in aanay saxsanayna wuu ina tusay isaga oo qalad ahaanshaha labaduba soo arooriyay aayado iyo axaadiis dhawra wuxuuna inoo sii raaciyay inta firqo ee aaminsan labada aragti ee hore(1&2). Markaas buu tii seddexaad ee Ahlu sunna Wal-jamaaca qabtay usoo gudbay. In badan buu sharxayay oo addilo quraani ah, axaadiis iyo tusaalayn caqliyaysan oo ka fiirsi lehba isku darayay; si aan u fahanno; hase ahaatee wuxuu ugu dambayntii ku soo gebagabeeyay hadal aanan si fudud maankeyga kaga suuleyn, oo uu inoo sheegay in ay culimadii ka hadashay mawduucan qaddarta qaarkood laga haayo, hadalkaas oo ahaa ” Qaddarta marka laga hadlayo waa sida  qorraxda duhurkii; ka warran hadduu qof xiligaas bannaanka inta soo baxo qorraxdu indhaha ladhaco oo uu si fiican u fiiriyo? Maxaa dhacayo? Dabcan, indhaha ayaa daalaya oo ilmeeynaya una dulqaadan waayeya iftiinka ka tanka badan, oo isaga oon aan fahmin wax aanka ahayn in ay qorraxdu qorrax tahay, ayuu indhihiisa kala laabanayaa asaga oo aan wax faafaahin ah ka bixin karin ogaaninna dhammaan xogaha ku saabsan qorraxda garaneyna wax uu ka sheego iyo wax uu ka tilmaamo toona. Qaddartuna waa sidaas oo kale oo haddaad fiiriso waxa aad ogaanaysaa in ay qaddar tahay uun, wallaahu aclam, wabilaah towfiiq, wassalaamu calaykum”. Inkasta oo aan  helay dersi aad u muhiima iyo sharraxaaddan aadka u faahfaahinta iyo tusaalaha badan haddana qalbigayga sidii aan rabay uma uusan xasilin oo weydiimo badan oo iga dhex guuxayay baan weli jawaabahooda helin; sidaa darteed, waxa aan bilaabay in aan mawduucan sii daba galo oo aan baaro si aan wax badan uga ogaado. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Mowle igu hagaajiyay buuggan. 









Xili ay kasoo wareegatay maalmo iyo habeeno tan iyo markii uu isoo gaaray buugga ayaa Eebbe I waa fajiyey in aan akhrintiisa bilaabo. Marki aanse akhrintiisa bilaabay baan dhulkaba dhigi waayay oo in aan joojiyo oo marba in ka akhriyo hawshaydi kalena aan wato ayaan kari waayay, maaddaama buuggu uu ahaa mid aanan sidaa u waynayna(waa iska 145 bog) waqti yerbaan ku dhameeyay. Kolkaan dhigaybaan dareemay xasilooni iyo Iimaan saa’id ah, wixii weydiimo ah ee aan qabay baan jawaabahooda helay, meelihii mugdiga igaga jirayna waan ka jaahil baxay. Kolkaas baan soo xasuustay oraahdii aan soo sheegay ee ahayd ” Qaddartu waa sida qorraxda oo kale”  maaddaama uu buuggu si cad u kala dhigdhigay wax walbana kala caddeeyay waxa aan isu sheegay in hadalkaasi su’aal la gelin karo. Anigoo yaaban oo isleh hadalkaan iyo buuggan sidee baa lagu kala badbaadin karaa baa Illaahey qalbigayga ku soo riday fekred ah in aan baaro qorraxda iyo waxaa laga ogaaday.  Islamarkii baan baaritaan xaqiiqo raadin ah ku dhaqaaqay, kolkaas baan ogaaday in qorraxdu wax badan laga ogaaday ayadoo la isticmaalayo qalab lagu eegayo qorraxda. Markaasaan hadalkan naftayda u sheegay “Qofbaa Ilaahay ku ilhaamiyay in uu soo saaro qalabkaas lagu eegayo qorraxda. Sidaas si lamid ah ayuu Ilaahay ugu deeqay Sheekh Shacraawi fahamka Qur’aanka iyo axaadiista rasuulka (SW) iyo garaad dheeri kuwaa oo ah qalabka la adeegsanayo si loo fahmo dhammaan mas’alooyinka diinta iyo kuwo kaleba ay kamid tahay qaddarta.” Markii aan ogaaday in aan kaga baxay wareerkii iyo faham waagii qaddarta iga haystay, ayaan go’aansaday in aan turjumo si dad badan oo af Soomaaliga wax ku akhriya uga faa’iidaan. Waxaa Alle mahaddii ah in uu hirgalay qorshahaas oo Ilaahay iigu guuleeyay in aan dhammeeyo soona saaro buuggan.

Ugu dambayn, waxa aan rajaynayaa in aad dhiganahaan kaga bogan doonto sida aan qudheyduba kolkii hore kaga bogtay, adiguse waxa aad iiga nasiib badan tahay in aad heshay asaga oo ku qoran afkaaga Hooyo oo aan malaynayo in uu xiiso gaara kuu lee yahay. Waxa aan ku rajo weynahay in uu wax uun ku kordhin doono keydka maskaxdaada, oo aad kaga bixi doonto mugdigii kaaga jidhay mowduuca Qaddarta oo uu buugga si gaara u quseeyo. Cilmiga iyo wanaagga buugga Eebbe haku waafajiyo, si nabdoon oo dhib yarna ku dhammeyso akhrintiisa Eebbe idamkii.
AKHRIS WACAN

Comments

Popular posts from this blog

Falanqaynta Buugga Harka nolosha. Q. 1aad