JACAYL-MALLAAY(fish-love)

 

..----------------------------------------------

Hadda ka horbaa waxaa layiri:

Ninbaa wuxuu soo agmaray wiil mallaay/kalluun la dubay si fiican u cunaya oo markaad aragto sida uusan meel kale uga jeedsanayn aad is dhahayso gaajo daranbaa haysa, illeen gaajadu waa cadowe. Ninkii baa wiilkii inta dul istaaagay buu markuu cabbaar fiiriyey arkayna in willku indho kale lahayn ku yiri " war haye adeer .. warkaaga? kollay mallaayga cashar baad u dhigaysaa waa kuu jeedaaye...Bal warran?". Wiilkii baa inta madaxa soo toosiyey odaygii ugu jawaabay "adeer mallaayga aadbaan runtii u jeclahay.. marka aan....."

Odaygiiba hadalka ka kala gooyey oo ku yiri " iyaa...maxaad tiri?...mallaaygu waan jeclahay aa... aad baan u jecelahay aaa?".

Suu yiri "haa adeer dhabtii aad baan u jecelahay kaluunka".

"Sug adeer " buu yiri odaygii, hadalkiisuu sii watay oo wuxuu yiri " waa adigaan mallaayga biyihii uu ku dhex noolaa ka soo saaray koow, waad dishay labo, waad googooysay seddex, dabkaad saartay oo waa adigan arxaan daradaan u kariyey afar, ilkahaad la dhacday shan oo waa adigaan sida layaabka leh u cunaya.... markaasaad i leedahay "waan jeclahay kalluunka " .... adeer haddaad jeceshahay maxaad u dishay oo u qashay? Dabka u saartay haddana u cuntay? Adeer mallaayga ma jeclide naftaadaad jeceshahay... naftaadaa dhadhanka mallaayga jecel adna naftaadaad jeceshahay iyadaadna qancinaysaa oo wax ay ku degto u raadinaysaa "..


Waana noocaas jacaylka maanta jira waxaana lagu magacaabaa JACAYL-MALLAAY(fish-love).


In badan jeceylka hadda jira waa jacayl-mallaay oo qof walbo (gabar iyo wiilba) wuxuu baadi goobayaa wax uu ku daboolo baahi naftiisu/nafteeda haysa... oo naftu waxay rabtaa qof waxa ka maqan siiya... yacnii danta nafta ayaa asal u ah jacaylka.. haddaysan naftaadu jecelayn dhadhanka mallaayga, mallaay raadin maysid... sideedaba baahiyaha NAFTA ayaa hadba sida ay u kala weynyihiin go'aamiya ruuxa uu qofku jeclaanayo. Baahi jinsiyeed/jirreed, mid lacag, mid qurux, mid dabeecad, mid mansab......iwm.

Baahiyaha waxaa ugu weyn qooqa... lagama yaabo qof aan baahidaas daboolayn in gabadhu ama wiilku jeclaado isagoo og... qofku ka uu jecelaanayo danbuu ka dhex arkaa.... danaystenimaa asal u ah jecelka.... war ma ila fahanteen mise waan balballaariyaa hadalka hh....


Way dhacdaa in naftu ku kadsoonto qof oo si indho-la'aana u jeclaato(waa sidaan u qabno se sax ma ahan oo iyadu(naftu) wax ay filanayso bay ku go'aan qaadanaysaaye) laakiin maalintay ka warhesho in dantii naftu lahayd lagu hungoobay bay ka diddaaa qofkaa kale.


Jacaylka dhabta(true love) ah sidaan ku niraaho ee bilaa indhaha ah, bilaa fikir iyo gorfayna qofka ku dhaca shuruudna aan wadan(unconditional love) ee qofka dantiisa oo idil ka tanaasula (selflessness) siima jirayo oo waqtiguusu waa koobanyahay, waayo? Naftaa si dhakhso ah ku diidaysa inay ag joogto ama jeclaato qof aanan danteeda ka dhex arag, waayo dabcigaa aadmigaa dannaystenimada lagu yaqiin (selfish). 


Haddaba si dhaba ugu dannee naftaada oo 

U door qof u roon, raaxo adduuniyo mid aakhiroba la raba oo waxaa cadaabta u horseedaya ka ilaaliya.

Comments

Popular posts from this blog

Falanqaynta Buugga Harka nolosha. Q. 1aad